Shirki Wadatashiga oo la isgu gabal dhacsaday iyo qodobki xulista baarlamaanka oo wali muran ka taaganyahay

DIb dhic ayaa ku yimid in waqtigiisii lagu soo gaba gabeeyo shirki wada tashiga ee dhinacyada siyaasada Soomaalida uga cosday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Galabta ayaa lagu waday in lasoo gaba gabeeyo hase yeeshee kulanki ay saakay u fariisteen ergooyinka ayey isaga oo wali qabya u ah qaraxd ugu dhacday, waxaana taasi ay dib u dhigtay waqtigi xiritaanka shirka oo hada u muuqdo inuu gaarayo ilaa iyo berito subaxdi.

Waxaa baaqday duulimaadyadi madaxda dowlada KMG, Galmudug, Ahlu Sunna iyo ergooyinka ka kala socda Beesha caalamka oo uu ugu horeeyeo Augustine Mahiga ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Arimaha dibka u dhigay gaba gabeynta shirka oo mudo sadex maalin ah ka socday magaalada Garoowe ayaa ah qodobka soo xulista xildhibaanada baarlamamaanka cusub oo dhinacyada siyaasada maanta oo dhan ka doodayeen, waxa la isku heystaa cida awooda u lahaan doonto, sida ay ku imaan doonaan, tirada baarlamaanka iyo jaan goyntooda.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa wali ku adkeysanayo in lagu soo xulo xildhibaanada hab ku saleysan maamul goboleed taasi oo ay diidanyihiin madaxweynaha Galmudug iyo sidoo kale qaar badan oo ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka.

Agustine Mahiga ayaa la sheegayaa inuu ku dadaalayo sidi dhinacyada ka qeybgalaya shirka ee Soomaalida uu ugu qancin lahaa in howsha loo rido dhanka loo badanyahay, lana soo gaba gabeeyo caawa si beri loo kala darero.

Ergooyinka ayaa maqribki caawa u kala hoyday hoteelada ay ka daganyihiin magaalada waxaase aad loo rajeynayaa in maalinta berito ah subaxdi lasoo saaro warmurtiyeedka shirka wada tashiga kaasi oo noqon doona qodobada ay ku heshiiyaan madaxda ka qeybgashay.

Warar hoose oo soo baxaya waxay leeyihiin qodobka ah tirada baarlamaanka waa la isaga soo dhawaaday oo waxaa la rajeynayaa in laga dhigo 230 ilaa 250 mudane xildhibaano u dhaxeeya, laakin waxaa la isku heystaa halka ay ka imaan doonaan cida soo xuli doonto.

Hadaba aqristayaal sida ay kusoo dhamaato xaajada dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa.