Shirki wadatashiga oo galabta ka furmay magaalada Garoowe

Waxaa galabta ka furmay magaalada Garoowe shirki wada tashiga dhinacyada siyaasada Soomaalida kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sareyso dalka.

Shirka oo ka furmay howlka shirarka ee Jaamacada PSU ayaa waxaa furay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo sheegay in shirkaan uu ahmiyad balaaran u leeyahay Soomaaliya.

Mr Faroole ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay leedahay in la helo dastuur uu dalku yeesho si loogaga baxo waqtiga kala guurka ah.

“Si aaynu u sameysano xeer inakala haga anaga oo ku socono tastuurka waxaan u baahanahay in aan kasoo saarno shirkaan, shirkaan wuxuu ku dhici doona ajawi fiican,”

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed oo ka hadlay ayaa ku dheeraaday arimaha haatan ka taagan dalka gaar ahaan qilaafka baarlamaanka isaga oo ku tilmaamay arin aanan loo dulqaadan karin.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan dowlada KMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay oo maal gelisay, waxaana xooga lagu saarayaa afar qodob oo kala ah sugida amaanka, dib u eegista dastuurka, dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaaga.

Arinta sida weyn loogu lafa guri doono ayaa ah in la hagaajiyo dastuurka taasi oo ka kafaalo qaadeyso in baarlamaankana dib u habeyn lagu sameeyo.

Maalinta berito ah ayaa xoogiisa ka dhici doonaa shirka howlka maanta lagu qabtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.