Shirki ugu danbeeyey ee Kooxda Xiriirka Caalamiga Somalia oo galabta furmay

Waxaa galabta magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga ka furmay shirki ugu danbeeyey ee ay yeeshaan dalalka loo yaqaano Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya (ICG).

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalayo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali kuwaasi oo saacadihi lasoo dhaafay gaaray dalka Talyaaniga.

Qodobada loogaga hadli doono ayaa la rejeynayaa in ay noqon doonaa kuwo lagu xoojin doono dar dar gelinta howlaha uga dhiman dowalada dhameystirka xaga barnaamijka roadmap-ka.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah waxaa lagu aas aasay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York sanadki 2006, waxaana ay ka koobantahay kooxdaan dalal iyo ururo daneeya arimaha Soomaaliya.

Dalalki ugu horeeyey ee aas aasay ayaa kala ahaa, Mareykanka, Norway Talyaaniga, Sweden, Tanzania, Ingiriiskaiyo Midowga Yurub, marki danbe waxaa lagu casuumay Midowga Africa ururka Intergovernmental Authority on Development, Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Hada ururkaan waqtigiisu wuu dhamaanayaa maadaama uu dhacayo waqtiga dowlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, isla markaana dalka uu rajeynayo inuu u gudbo dowladnimo taam ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.