Shirki u dhaxeyey Somaliland iyo Dowlada TFG-da oo galabta lasoo gaba gabeeyey

Waxaa galabta duleedka magaalada London lagu soo gaba gabeeyey shirk labadi maalin uga socday halkaasi dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka gooni isu taaga Somaliland.

Shirkan oo hor dhac u ahaa shirar kale oo taxane ah oo ujeedkooduna yahay aayaha Somaliland, in ay go,eyo iyo in ay mar labaad kusoo laabaneyso Somaliya inteeda kale ayaa waxaa kasoo baxay qodobo gaaraya sideed.

Hadaba qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ah:-

1-In Labada Madaxweyne ay si dhaqse ah isku arkaan, si ay u sii wadaan wadadan halkan u bilowday

2-In wada hadalada ay sii socdaan, si loo sii ambaqaado lagana mira dhaliyo.

3- In la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda, lagana hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku qubayaan xeebaha Soomaaliya.

4-in la sameeyo Qubaro xaga qaanuunka ah oo ay ugu yeertaan labada dhinac xaga la tashiga sharciyada.

5-in ay ka wada shaqeeyaan kaalmada xaga bani’aadanimada si loo gaasiiyo  dadka u baahan  in beesha Caalamka ay soo kordhiso kaalmooyinka xaga bani’aadanimada iyo horumarinta.

6-In ay taageersan yihiin sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in aan la soo hadal qaadin arrinta gooni isu taaga, isla markaana qorshuhu aheyn qadiyada Somaliland, isagoo ka gaabsaday in kulamada kale lagu soo qaadayo in in kale.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in xilligan oo wada hadalada ay yihiin kuwo bilow ah aan looga hadleyn arrinta gooni isu taaga, isla markaana looga hadli doono kulamo kale

Shirkan waxaa gadaal ka riixeysa dowlada Ingiriiska oo aanan la ogeyn waxa ay ka damacsantahay, waxaase Soomaalida oo dhan ay leeyihiin waa arin muhiim ah oo mar hore loo baahnaa.

1 COMMENT

  1. War soomaaleenow ka carara meeshaan waxaa na haysta dad waalan oo dhiig iyo xukun u jiran oo kala ah Sheekh Shariif, Faroole iyo dhamaan, Reer Indhoboodkuhaydo

Comments are closed.