Shirki Roadmapka oo furmay iyo qodobada qaar oo wali la isku mari la,yahay

Waxaa maanta ka furmay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shirka hogaamiyaashi saxiixay heshiiska Geedi Socodka Nabada Soomaaliya ee Roadmap.

Shirka ayaa waxaa fadhiya, madaxda ugu sareysa dowlada KMG Soomaaliya, madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ergooyin ka kala socda beesha caalamka oo uu ugu weynyahay wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Itoobiya, Ambashador Saciid Yusuf Nur ayaa u sheegay BBC-da in shirka uu ku bilowday jawi wanaagsan, ajandaha ugu horeeyana uu yahay dastuurka.

Wuxuu kale oo uu sheegay in qorshuhu yahay in laba maalin uu socdo balse laga yaabo buu yiri inuu ka badan karo ama ka yaraan karo.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in la isku qilaafsanyahay arrinta dastuurka oo uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ka biyo diidsanyahay qaar ka mid ah qodobada dastuurka.

Maalinta birto ah ayaa aad loo rajeynayaa in lasoo gaba gabeeyo shirkaaasi.