Shirki odayaasha iyo bulshada Rayidka oo caawa Istanbul lagu soo gaba gabeeyey

Shir afarti maalmood ee lasoo dhaafay maagalada Istanbul ee dalka Turkiga uga socday odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka Soomaalida ayaa caawa lasoo gaba gabeeyey.

Shirkan ayaa mudadi uu socday waxaa lagu falan qeeyey qodobo ay ugu weynaayeen dib u heshiisiinta iyo dastuurka sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadki ka qeybgalay kulanka.

“Walaahi adeer waxaa looga hadlay baahida faraha badan ee kala duwan ee Soomaaliya, waxaa ugu horeeyey dib u heshiisiinta waxa ku xigay dastuurka oo ugu muhiimsanaa, qodobadaasi muhiim ayey noo ahaayeen waayo baahida ay qabto Soomaalida xiligaan,”

Munaasabada xiritaanka waxaa ka qeybgalay Ra’isulwasaare Cabdiwali iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga kuwaasi oo goobta ka jeediyey hadalo.

Maalinta birito ah ayaa lagu wadaa in magaalada Istanbul uu ka furmo shirka dhanka siyaasada oo ay ka qeybgali doonaan madaxda dowlada KMGS, maamulada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.