Shirki Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa goor dhaweyd oo galabta ah magaalada Muqdisho ka furmay shirki lagu soo xulayey hogaamiye dhaqameedyadi ansixin lahaa dastuurka Soomaaliya.

Kulankan oo qorshihiisa ahaa inuu saaka barqadii furmo ayaa dhinaca farsamada saacadu dib ugu dhacay, hase ahaatee ammaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, wax badana dib u dhigayay furitaanka goobta.

Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiilada ururada caalamiga sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo IGAD ayaa ku sugan xarunta.

Shirka ayaa ugu horeyn lagu furay astaanta calanka qaranka oo kooxda baambeyda ay u tumeen madaxda soo xaadirtay iyo odayaasha dhaqanka, iyadoo markii dambe uu furmay.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu soconayo ilaa 14-ka bishan, iyadoo uu noqonayo mid shirka lagaga doodi doono soo xulida xubnaha 825 xubnood ee ansixinaya shirweynaha dastuurka oo dhici doona bartamaha bishan.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya cabashooyin laga muujinayo sida odayaasha dhaqanka loo soo xulay oo ku aadan habka loo maareeyay odayaasha qaar oo aan aheyn kuwii saxda ahaa ee la yaqiinay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.