Shirki Istanbul oo ku furmay baaq caalamka looga codsaday taageerida Soomaaliya

Waxaa maanta ka furmay magaalada Istanbul Shirweyne loogaga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya, iyadoo furitaanka shirka laga codsaday caalamka in Soomaaliya laga taageero dhan walba.

Dowlada Turkiga oo martigelineyso shirkan oo socon doona laba maalin ayaa ugu baaqday aduun weynaha in Soomaaliya ay u baahantahay taageero xaga dib u dhiska, xasilin iyo dib usoo laabashada dowladi dhexe oo mudo 20 sana la tiiceysay colaado.

Wakiilo ka kala socda 54 dowladood ayaa goob joog ka ah shirka Istanbul si xal loogu helo mustaqbalka Soomaaliya oo haatan loogu yeero dalka u liita dalalka fashilmay kadib 20 sano oo dagaalo ah.

Shirka waxaa furay Ra’isulwasaare xigeenka Turkiga  Bekir Bozdag oo madasha ka jeediyey hadal muhiim ah oo u badnaa baaq uu indhaha caalamka ugu soo jeedinayey Soomaaliya.

“Kadib mudo dheeri oo xasilooni darro iyo colaado ah, haatan waxaa horteena taala fursad rasmi ah oo aan wax uga qaban karno xaaladaha amaanka iyo nabada,” ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag.

Shirkan ayaa daba socdo shirki London ka dhacay bishii February, laakin qodobada loogaga hadlayo intooda badan way ka duwanyihiin maxaa yeelay markaan waxaa lagu casuumay odayaasha dhaqanka, ganacsato iyo qubaro kale oo Soomaali ah, waxaana kulanki maanta lagu falanqeeyey afar qodob oo muhiim ah oo kala ah biyaha, tamarta, wadooyinka iyo dib usoo kabida dalka.

Madaxdi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya  Abdiweli Mohamed Ali oo shirka ka sheegay in dalka haaran uu diyaar u yahay horumar waqti dheer, isaga oo ugu baaqay deeq bixyaasha caalamka in ay maal gashadaan Soomaaliya.

Sida ay dowlada Turkiga damacsantahay, hadafka ugu weyn ee ay shirka ka leedahay ayaa ah in la hagaajiyo mustaqbalka dowlada cusub ee Soomaaliya, yoolkaasi oo ay rabto in ay xaqiijiso marka la gaaro sanadka 2015.

Laakin maalinta berito ah oo kubeegan Jimco, shirka qodobada looga hadli doono wuu ka duwanaan doonaa kulanki maanta, waxaa lagu lafa gurayaa siyaasada iyo gargaarka bani,aadanimada, waxaana kasoo qeybgali doono madaxeynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, Ra’isuylwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska William Hague.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.