Shirki ICG oo xalay lagu soo gaba gabeeyey Roma

Waxaa xalay magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga lagu soo gaba gabeeyey Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya.

Shirkan oo mudo laba maalin ah halkaasi ka socday ayaa waxaa loogaga hadlay xaalada Soomaaliya ayaa waxaa kasoo baxay qodobo dhameystir u ah roadmap-ka.

Wasiirka Dastuurka ee dowlada KMG Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil oo joogay kulanka ayaa sheegay shirkan uu ahaa kii ugu danbeeyey ee loogaga hadlo xaalada Soomaaliya ka hor dowlada cusub ee la filayo, isaga oo sidoo kalana ka warbixiyey qodobadi kasoo baxay.

“Waxyaabaha ugu weyn waxaa ka mid ah marka hore in la isku afgartay in lasoo afjaray KMG-ka, marka labaad in waqtiyadi laga dhigtay bartilmaameedka in lagu adkeysto oo uu fariisto Golihii Ansixinta Dastuurka, kadibna lasoo xulo baarlamaanka, kadibna August 20-keeda la doorto madaxweynaha, kadibna waxaa laga hadlay wixi la sameyn lahaa August kadib oo ah in la siiyo dowlada dhaqaalo,” ayuu yiri.

Dowlada KMG waxaa u matalayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.