Shirki Garoowe 2 oo xalay waqti danbe lasoo gaba gabeeyey

Waxaa xalay saqdi dhexe xiliga dalka Soomaaliya lasoo gaba gabeeyey shirki Garoowe 2 oo mudo sadex maalin oo xiriir ah ka socday caasimada Puntland.

Shirka oo shalay ilaa iyo xalay aanan loo kala kicin ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah oo qaarkoodan wax lagu daray qaarna wax laga badalay.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahad celiyey dhamaadn ergooyinki ka qeybgalay isaga oo ku tilmaamay shirka Garoowe 2 inuu ahaa shir ay Soomaalidi ka qeybgashay ay isugu tana suleen.

“Dad badan oo shirka jooga ayaa Soomaalinimo u tanaasulay isla markaana muujiyey biseel, dadkaas waxaan rabaa in aan u mahadceliyo, Soomaalida waxay dhahdaa aan wada hadalno waa aan wada heshiino, waxaa na hor yaala waajibaad waaweyn”

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agustine Mahiga oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixi kasoo baxay shirka uu u gudbiyey Xoghaha guud ee Qaramada Midoobay isla xalay, sidoo kale wuxuu tilmaamay in Golaha Amaanka ay ansixiyeen in ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 17,700 oo askari, ciidamada dowladana si aad ah loo xoojiyo.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in wixi ugu danbeeyey ee xalay lagu soo kordhiyey shirka yahay in aqalka hoose laga dhigo 54 halka aanan awal horay loo sheegin.

Mr Faroole ayaa ku tilmaamay qodobki ugu muhiimsanaa ee shirka inuu ahaa in baarlamaanka uu noqdo mid lasoo doorto, kadibna uu baarlamaanka soo magacaabo madaxweynaha, madaxweynahana uu isaga soo magacaabo Ra’isulwasaare.

Isku soo wada duuboo shirkan oo sidoo kale la isla ogolaaday in dowlada ay ku shaqeyso nidaam fedaraali ah ayaa kusoo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsanaa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.