Shir saakay Muqdisho uga furmayo Hogaamiye Dhaqameedyada Soomaalida


Waxaa saakay lagu wadaa in uu Xarunta Acadeemiyada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho ka furmao shir lagu soo xulayo hogaamiye dhaqameedyadi ansixin lahaa Tastuurka.

Wasiiru Dowlaha Dastuurka, Xasan Maxamed Jaamac ayaa xaqiijiyey in shirka uu maanta dhacayo kadib maalmo yar oo uu dib u dhac galay sida uu sheegay, waxa kale oo uu intaasi ku daray in lasoo gaba gabeyn doono 15-ka bishan.

Odayaasha ka qeybgalayo shirka, waxa wajigiisa koowaad ay ku qaadan doonaan Xarunta Tababarka Janeraal Kaahiye oo horay loo oran jiray (Iskool Boliisiya) ee degmada Waabari, halka wajiyada kalana la filayo in ay ka dhacaan Xarunta Gaadiidka Booliska.

Amaanka ayaa durbaba la adkeeyey, waxaana saakay suu buuxiyey qeybo badan oo magaalada Muqdisho ah ciidamo kuwaasi oo xiray wadooyinka soo galo goobta loo madlay inuu shirka ka dhaco.

Al Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay in ay beegsan doonto ka qeybgalayaasha shirka, sidoo kale waxaa jirta cabsi ah in ay weeraro u geystaan Shabaab goobaha lagu qabanayo ama hodheelada ay daganyihiin odayaasha dhaqanka ee ansixinaya tastuurka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. DIGIL IYO MIRIFLE SHIRKAAS DHAQANKII ASALKA AHAA UGUMA QEYB GELIN, WAXAA HALKAAS LA GEEYEY KUWO BUG AH OO SHARIIF SAKIIN QAADKA U IIBIN JIREY, HAWSHAASNA WAXAA U FULINAAYA TALIYAHA CIIDANKA BOLISKA SHARIIF SHEKHUNA IYO TUUGO KALE OO KU HAWLAN SII QASIDDA GEEDI SOCODKA NABADDA SOMALIA.

Comments are closed.