Shirki ansixinta dastuurka oo maanta dib u dhacay

Waxaa saakay dib u dhacay shir lagu waday in maanta uu u furmo ergooyinki ansixin lahaa dastuurka loo soo diyaariyey Soomaaliya.

Shirka oo loo xiri lahaa wadooyinka Muqdisho qaar ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 12-ka July ayaa dib ugu dhacay sababo la xiriira ergooyinka oo qaar wali maqan.

Malaq Maxamed Yacqub Deeroow oo ka mid ah ergooyinka ayaa sheegay in mudo laba maalin gudahood uu shirka ergooyinka u furmi doono dastuurkana la ansixin doono.

“Ergooyinki oo aanan wali soo dhmeystirmin darteed ayuu u baaqaday, maanta iyo biri waxaa la sameynayaa oo la bixinayaa kaararki aqoonsiga marka anaga way naga go,antahay in aan anisixino,” ayuu yiri.

Waa jiray qilaaf u dhaxeeyey odayaasha iyo ergooyinka oo ku aadan dastuurka madaaama odayaasha ay sheegeen in qodobada qaar aanan la aqbali karin.

“Anaga maadaama aan nahay odayaasha waxaan u baahanahay in aan wax walba ka fiirsano oo xaga ansixinta ah, odayasha ma laheyn ansixinta ee waxaa lahaa ergooyinka,” ayuu yiri.

Shirka ansixinta dastuurka ayaa caqabad ku ah habsami u socodka howlaha kale ee ka dhiman ka gudbista Kumeel gaarnimada oo haatan muuqato in aanan looga bixi karin waqtigi loo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here