Date:15/01/2013 (Warsaxaafadeed) UJEEDDO: RAALI GELIN Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink Waxay Macaamiisheeda sharafta leh ee isticmaasha Adeega GSM-ka ka raali-gelineysaa Ciladii Farsamo ee ku timid GSM-ka shirkadda Qeybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ciladaasoo aheyd mid si lama filaan ah ku dhacday haddana la xaliyey, Taasoo sababtay in ay macaamiisha qaaliga ah ee shirkadu waayaan adeega GSM-ka .Nationlink Waxay u mahad-celineysaa Dhamaan macaamiisheeda sharafta leh sida ay ugu Dulqaateen xiligii ay shirkadu ku howlaneyd xalinta ciladaas.
WABILAAHI TOWFIIQ.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com