Shirkadaha Turkiga ee gacanta ku haaya Garoonka & Dekeda oo diiday la xisaabtan

Garoonka Aadan Adde
Garoonka Aadan Adde

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wadi karin howlaha xisaabinta ilaha dhaqaalaha ee dalka kadib markii dhowr shirkad ay diideen in lalaxisaabtamo.

Nuur Faarax oo wareysi siiyey VOA-da ayaa si gaar ah u cayimay laba shirkadood oo ajaanib ah oo gacanta ku haya maamulka dhaqaale ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in shirkadaha Al-Bayrak iyo Favori oo labudba laga leeyahay dalka Turkiga ay muddo sanad ah wadeen howlaha garoonka iyo dekedda, ayadoo aysan jirin cid la xisaabtantay ilaa iyo haatan.

Arrinkan ayaa waxaa uu gaarey Baarlamaanka Somalia oo ka fariisan doono bilaha soo socda iyagoo dib u eegis ku sameynaya howlaha shirkadahan.

Halkan ka dhagayso hanti dhowrka guud:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here