Shirkada qodeyso shidaalka Puntland oo faah faahin bixisay

Shirkada ku howlan soo saarista shidaalka laga qodayo Dooxada Dharoor gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa makri ugu horeysay ka warbixisay halka ay wax u maryaaan.

Shirkada Horn Petroleum corporation   ayaa sheegtay in ay haatan qoday cabir gaaraya 2053 mitir oo gunta hoose ah balse aysan wali la kulmin wax shidaal ama saliid ah, balse ay heysato rajo aad u wanaagsan.

Waxa ay ku adkeysaneysaa shirkadan heyato qanadaraaska qodista shidaalka Dharor in ceelka koowaad ee Shabeel 1 ay aad uga rajo qabaan, iminkana ciida ay heleen ay muujineyso in saliid ama gaas uu ku jiro ceelka, inkastoo aanan la ogeyn xadiga ama inta uu la ekaan doono shidaalka.

Gaba gabadi shirkadan ayaa sheegtay in rajada ugu wanaagsan ee ay dadka u sheegi karaan ay tahay in bilooyinka soo aadan ay keeni doonaan natiijo sax ah oo sheegeysa in ceel laga soo saaray Soomaaliya.

Dhamaadki sanadki hore ayey Puntland dhagax dhigtay bilowga qodista ceel shidaal kaasi oo noqday kii ugu horeeyey ee laga bilaabo dalka mudo 20 sana ah kadib.

 
SNTV LIVE ONLINE , SN TV LIVE, SOMALI NATIONAL TV LIVE