Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo kafaala qaaday sadex caruur ah oo mataana ah iyo hooyadood

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta iclaamisay in ay quudin doonto mudo laba sana ah sadex caruur ah oo mataana ah iyo hooyadood.

War kasoo baxay xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Shirkada ayaa lagu sheegay in ay ka danqatay shirkada dhibaatada heysata hooyada oo marki hore dhashay afar caruur ah oo mataana ah balse marki danbe oo hal canug ka saqiiray.

Cali Sheekh Yaasiin oo ka mid ah xafiiska xriirka guud ee shirkada ayaa sheegay in mar walba ay ka jawaabayaan dhibaatada dadka Soomaaliyeed, isla markaana hooyadaan iyo caruurteeda ay kafaala qaadayaan mudo laba sana ah.

“Shirkada Isgaarsiinta Hormuud waxay ka jawaabeysaa codsiga gabar Soomaaliyeed oo umushay afar canug oo mataaman ah, Shirkada Hormuud waxay ku dhawaaqeysaa in ay kafaala qaadeyso sadexda canug ee mataanaha in ay nafaqeyso mudo laba sana ah,” ayuu yiri.Mr Cali.

Hooyada dhashay caruurtan oo ah gabar Soomaaliyeed oo tabar daran kana mid aheyd dadki barakaca ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Xalima Maxamed Cabdi ayaa ka mahad celisay balan qaadka Hormuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here