Shirkada Horn Petroleum Corp oo joojisay shidaal qodisti Puntland

Shirkada Horn Petroleum Corp oo fulineysay howlihii Shidaal Qodista Ceelasha Dharoor ee Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxday shaqadaasi ka hor inta aanana la gaarin 3800 oo mitir oo dhulka hoose loo qodi lahaa.

Shirkadaan oo qodeysay laba ceel oo la rabay in shidaal laga soo saaro oo lagu kala magacaabo Shabeel 1 iyo Shabeel 2  ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii lagu sheegay in ay ogaatay in gaaska nadiiciga ah ee iyo saliidi laga rajeynayey in laga helo aanan rajo laga qabin.

Qalabki lagu qodayey ceelasha ee Riiga ahaa ayaa haatan loo wareejiyey meel 3.5 km dhanka waqooyi kaga beegan deeganka Dharoor sida ay sheegtay shirkada howshani ka shaqeyneysay.

“Looma tixgelin karo in damaanad ahaan aan balan qaadno in xiligaan tijaabo lagu sameeyo,” ayey tiri Horn Petroleum.

Shirkadaan oo laga leeyahay dalka Canada ayaa ka bilowday howlaha qodista Shidaalka ee Puntland bishi Janaayo ee sanadkaan taasi oo rajo wanaagsan gelisay mustaqbalka maamulka Puntland, hase yeeshee warkaan ayaa waxa dhabar jab ku yahay Puntland iyo guud ahaan Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.