Shirkada Google oo tijaabisay baabuur darawal la,aan ah

Shirkada xaga Internetka ee loo soo gaabiyo GOOGLE ayaa tijaabisay baabuur isaga isa wadayo sida diyaaradaha aanan duuliyaha laheyd ay isu kaxeeyaan, kaasi oo lagu tijaabiyey wadadooyinka Nevada ee dalka Mareykanka.

Maamulka gobolka Navada ayaa ogolaaday in baabuurtaasi lagu kaxeyn karo deegaanada uu ka arrimiyo ee dalka Mareykanka, isaga oo noqonaya gobolki ugu horeeyey ee leysan siiya baabuurtaasi.

Baabuurka ugu horeeya oo ah nooca loo yaqaano Toyota Prius ayaa la saari doonaa wadada weyn kaasi oo ay naqshada qalabka software-ka saaran ay leedahay shirkada Google.

Tiknoolijiyadan casriga ah ayaa waxaa soo saartay shidakan Google, iyadoo baabuurka uusan wadeyn qof bani,aadam ah balse uu hagayo mashiin ka sameysan software.

Shirkadaha kale ee baabuurta noocaan oo kale ah ayaa iyadguna ka raadinayo codsi iyo ogolaasho magaalada Nevada.

Engineer-ada sameeyey baabuurtan ayaa ku tijaabiyey wadooyinka magaalada California, oo ay ku jirto buundada weyn ee ay wadooyinka iska jaraan ee San Francisco taasi oo lagu magacaabo  Golden Gate bridge.

Sida uu sheegay Sebastian Thrun oo ah Injineer caga software-ka ah, baabuurka ayaa socday fogaan dhan 140,000 oo mile  isaga oo aanan galin wax shil ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.