Shirkada Favori oo maanta SKA kala wareegeysa Maamulka garoonka Muqdisho

DSC00595Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, ayaa lagu wadaa in maanta shirkada SKA ay kala wareegto maamulka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Saacado kadib ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo qorshe ay shirkad Turki ah kula wareegeyso maamulka garoonka diyaaraha Aadan Cadde oo Sadexdii sano ee la soo dhaafay ay maamuliysay shirkada SKA.

Fadhi ay kal hore yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu go’aamiyay in Shirkada Favori lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo mudadii labada Sano ahayd ee lasoo dhaafayba ay maamulaysay Shirkada SKA oo laga leeyahay dalka South Afrika.

Wasiirka warfaafinta Boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in Sadexdii galabnimo ee shalay ay si rasmi ah u bilaabatay in shirkada cusub ay la wareegto maamulka garoonka,  isagoo intaa ku daray in isbedelkaasi uusan wax saameyn ah ku yeelandoonin howlaha garoonka.

Shirkada favori oo ah shirkada la wareegtay maamulka garoomaka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa la filayaa in wax weyn ay kusoo kordhiso adeegyada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here