Shirkada Etihad Airways oo ku biirtay howlaha gurmadka Somalia

Shirkikadaha duulimaadka ee Etihad Airways iyo Waha International, ayaa ku biiray howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool magaalada Muqdisho.

Duulimaadyo ay ka sameysay maalmihi lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ayey shirkada Etihad waxay keentay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laa iyo 474 teendho, 50 sanduuq oo ay ku jiraan qalab waxbarasho iyo sadex tan oo ay ka buuxaan alaabo elektaroonik ah.

Qalabkaasi ayaa loogu tala galay laba xero oo ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo laba isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Shirkadaan ayaa si hoose ula shaqeyneyso ururka Waha International, Hey’ada Bisha Cas ee Imaaraadka iyo Hey’ada Gargaarka Shelterbox France waxaana ay si bilaash ah ugu deeqday in ay agabyadaasi ka qaado magaalada Abu Dhabi isla markaana geyso Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka Shirkada Duulimaadka ee Etihad Airways David Kerr ayaa sheegay in shaqaalah shirkada ay diyaar u yihiin in ay si mutadawacnimo ah ula shaqeeyaan dhamaan hey’adaha ay xiriirka leeyihiin ee gargaarka bani,aadanimo siiya dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay ku faraxsanyihiin ay ka qeybqaataan howlaha gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha ee dalka Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in shirkada ay diyaar u tahay in ay fuliso howlgalo duulimaad oo dheeraad ah oo Soomaalia ah.

Horay waxaa si weyn ugu lug lahaa daabulida gargaarka bani,aadanimo ee Soomaaliya shirkadaha diyaaradaha ee dalalka Turkiga, Kuwait, Iran iyo sacuudiga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.