Shirkada Coca-Cola oo xarun ka furatay Somaliland +Sawiro

Shirkada Cabitaanada caalamiga ah ee Coca-Cola ayaa shalay ka furatay gobolka Marodi Jex ee maamul goboleedka Somaliland xarunti ugu horeysay.

Shirkadan oo kaashaneysa shirkado maxali ah oo laga leeyahay  Somaliland ayaa iska kaashanaya hir gelinteeda, waxaana haatan lagu bixiyey qarash gaaraya $17m (Todobo iyo toban milyan oo doolar), waxa lacagtaasi ay qeyb ka tahay $12bn [12 bilyan oo doolar] oo ay shirkada ugu tala gashay in ay ku qarashgareyso sanadkaan 2012 qaarada Africa.

Maamulaha, Bariga, Galbeedka iyo Bartamaha Afica ee shirkada Coca-Cola Nathan Kalumba ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay dadka Somaliland u abuurayaan haatan 135 shaqa cusub ah iyo 2,500 oo fursado shaqo dheeraad ah.

Waxa kale oo uu sheegay in ay taageeri doonaan warshadaha yar yar iyo laamaha mua,asasaadka kala duwan ee gobolka.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo ka hadlay xafaladi lagu furay shirkada Coca-Cola ayaa sheegay in tani ay muujineyso horumarka ay Somaliland ka gaarayaan xaga wax soo saarka iyo nabada isaga oo u mahad celiyey dadki ka shaqeeyey in ay keenaan.

Shirkada Coca-Cola ayaa mar ka shaqeyn jirtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxa ay ku xirantay dagaaladi ka bilowday sanadki 2007.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.