Shirkada baabuurta Bajaj oo soo saartay baabuur aad u qiima jaban

Shirkada soo saarto baabuurta Bajaj ee dalka India ayaa shaacisay baabuur cusub oo la tartami doona gaariga ugu raqiisisan aduunyada ee Tata Nano.

Nooca gaarigaan oo la yiraahdo RE60 ayaa qaadan doono afar marsho waxaana ay kusoo bandhigeen munaasabad lagu qabtay magaalada Delhi ee caasimada dalkaasi India.

Madaxa qeybta maamulka ee shirkadaas Rajiv Bajaj ayaa sheegay in hadafka ay usoo saareen uu yahay sidi xal loogu heli lahaa kaaraboonka iyo hawada wasaqeysan ee ka dhalata natiijada gaadiidka iyo warshadaha oo aad ugu batay dalka India.

Waxa uu sheegay in baabuurkaan lagu iibin doono qiimo aad raqiis u ah isla markaana ay yartahay shidaalka uu cunayo, balse lama shaacin qiimaha rasmiga ah ee lagu iibin doono.

Bajaj Auto ayaa ah shirkad ku caanbaxday gaadiidka, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa shirkadaha ugu wanaagsan ee soo saara baabuurta dalka India.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.