Shirka Wadatashiga oo saakay dib uga furmay Garawe

Waxaa saakay dib uga furmay   magaalada Garoowe shirka Wadatashiga dhinacyada siyaasada Soomaalida.

Wararka naga soo garaya ayaa sheegayin saakay shirka alaabada leysi xirtay dhamaan saafadana loo diiday in ay galaan.

Shirkaan oo sadexdi maalin ee lasoo dhaafay xooga lagu saaray Tastuurka iyo qaabeynta baarlamaanka ayaa la filayey in shalay lasoo xiro, hase ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid marki la isku mari waayey qodobka xulista baarlamaanka.

Ilaa iyo iminka waxaa lagu heshiiyey oo meel la isla dhigay tirada baarlamaanka oo noqon 225 mudane, laakin waxaa aad la isugu mari la’yahay habka loo soo xulayo iyo halka ay ka imaan doonaan.
Shalay ilaa iyo xalay waxaa la isku mari la,aa xulista baarlamaanka oo ay ku kala jabeen ergooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa laga fujin la’yahay in baarlamaanka laga soo xulo degmooyinka dalka Soomaaliya, Madaxweynaha dowlada KMG, madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu Sunna ay isku raaceen in 4.5 lagu soo xulo mudanayaasha.

Wararkii ugu danbeeyay shirka kal soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com