Shirka wadatashiga oo la filayo in goor dhaw lasoo gaba gabeeyo iyo arinta xulista xildhibaanada oo la isku mari la,yahay

Waxaa daqiiqadaha nagu soo aadan lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo shirki wada tashiga ee ka socday maalmahan magaalada Garoowe iyadoo wali ergooyinya ay isku mari la,yihiin qodob xasaasi ah.

Shirka oo la filayey in maanta 1:00 duhurnimo lasoo xiro ayaa qaatay waqti ka badan inti la filayey, waxaana madaxda ay ku jiraan qol albaabada u xiran mudo ka badan afar saacadood oo ay doodayaan.

Arinta ugu xasaasisan ee la isku hayo ayaa ah qodobka ku aadan soo xulista xildhibaanada, cida soo xuli doonto iyo dhanka ay ka imaan doonaan.

Waxaa jira fikrado kala duwan oo ay qabaan dhinacyada ka qeybgalaya shirak oo ay ku kala arigti duwan yihiin hab xulusta xildhibaanada.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa la sheegayaa inuu soo jeediyey in xildhibaanada soo aadan ee dowlada cusub ee Soomaaliya lagu soo xulo hab ku saleysan maamul goboleedyada.

Hase yeeshee fikirkaasi waxaa diiday dhigiisa Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo sheegay in dalka uusan ka wada jirin maamul goboleed taasina ay keeni karto dhibaato, sidaasi daraadeedna ay ku qurux badantahay xulida xildhibaanada in lagu saleeyo 4.5.

Madaxda dowlada qaarkood ayaa la leeyahay waxa taageereen habka xulista xildhibaanada ee 4.5 oo ay odayaasha dhaqankana iyaga soo xulaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Si kastaba shirka oo ay u dhanyihiin ergooyinka kala duwan ee ka qeybgalayey ayaa la flayaa in uu kasoo baxo war murtiyeed xambaarsan qodobada lagu dhaqi doono dowlada cusub ee Soomaaliya kadib waqtiga kala guurka.

Diyaaradihi qaadi lahaa wufuuda oo ah laba diyaaradood ayaa mudo ka badan laba saac yaala haroonka diyaaradaha magaalada Garoowe waxaana aad loo filayaa in isla galabta ay kasoo duulaan magaalada Garoowe.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Xildhibaan la Xulaayo iyo mid laga tagaayo Xal ma keeneyso maxaa yeeley Xildhibaan ku qanci doono waa lagaa takhallusey ma jireyso.

    Xalka keliya ee arrintaas lagu Xallin karo waa ” Iyagoo gebi ahaanba la kala diro ” , loona yeero Dhaqankii Runta ahaa ee Shanta Beel Somalia , lagana codsado iney muddo hal Asbuuc ah ku soo magacawdaan Tirada Xildhibaan oo loo qoondeeyey.

    Weliba lagu adkeeyo ineysan ku soo dari karin Liiska Cusub Xildhibaanada hadda Jira, sidaas keliya ayaa Somalia lagu bad baadin karaa haddii Run ay ka tahay Beesha Caalamka iney Xalliso Arrimaha murugeysan ee Somalia.

Comments are closed.