Shirka wadatashiga oo goor dhaw ka furmaya magaalada Garoowe

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe uu ka furmo shirka wada tashiga dhinacyada siyaasada Soomaalida kaasi oo xooga lagu saari doono sidi loogaga gudbi lahaa kumeel gaarka.

Inta badan wufuuda ka qeybgalayso shirka ayaa gaartay shalay iyo doraad, qaar kale ayaa iyana la filayaa in maanta ay tagaan sida ra’isulwasaaraha iyo wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa u sheegtay wariyaasha ku sugan Garoowe in shirka uu furmi doono waxa ka danbeeyo 9:00 subaxnimo, hase yeeshee wariyaasheena ku sugan Garoowe ayaa sheegaya in laga yaabo in duhuradi uu furmo.

Ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali ayaa lagu wadaa in uu gaaro maanta Garoowe, horay waxaa u jiray Garoowe madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Shirkan oo ah wajiga labaad ee shirka wadatashiga, ayaa waxaa loogaga hadli doonaa wixi ka qabsoomay afarti tiir ee roadmapka ee kala ahaa, dowlad wanaaga, dib u heshiisiinta, amaanka iyo sameynta tastuurka.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com