Shirka Turkish Arilines oo Soomaaliya ka shaqa bilaabi doonto bisha March

Shirkada duulimaadka dalka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa si rasmi ah uga bilaabeyso adeegyada duulimaad ee dalka Soomaaliya bisha March ee soo aadan.

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho  Camelettin Koni Torun oo maanta wariyaasha kula hadlay xarunta safaarada ayaa sheegay in 6-7da bisha soo aadan ay si toos ah uga shaqo bilaabi doonto diyaarada Turkish Airline magaalada Muqdisho, iyada oo duulimaadkeeduna noqon doono Muqdisho-Istanbul iyo Istanbul to Muqdisho.

Warkaan oo ay aad ugu diirsan doonaan Soomaalida qurba joogta ah ayaa sidoo kale waxa soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha maadaama ay aad ugu fududeyn doonto arrintaasi in ay dalka kusoo laabtaan kuwa ay jecelyihiin ee ku nool dibada.

Duulimaadka Turkish Airline ee magaalada Muqdisho ayaa noqon doona todobaadkiiba laba jeer oo ay imaan doonto Muqdisho iyo laba jeer oo ay tagi doonto dalka Turkiga caasimada ganacsiga ee Istanbul.

Turkish Airline ayaa hada ka howlgasho ilaa iyo 146 wadan oo aduunyada ah, waxaana dalka Soomaaliya uu noqon doonaa dalki ugu danbeeyey ee ay ka howlgasho, waxa kale oo ay noqon doontaa shirkadi ugu horeysay oo ah shirkadaha duulimaadka Europe ee shaqo ka bilowdo dalka Soomaaliya mudo 21 sano ah kadib.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa noqday mid aad u wanaagsan, waxaana ay ka danbeysay wanaajinta calaaqaadka labada dal kadib marki uu sanadki hore booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Ra’isulwasaaraha Turkiga iyo xaaskiisa kuwaasi oo booqday dadki kasoo barakacay abaaraha iyo macluusha ee ku dhifatay Soomaaliya.