Shirka Turkish Airlines oo bisha soo aadan duulimaadka ka bilaabeyso Muqdisho-Ankara

Maamulaha guud ee shirkada duulimaadka ee dalka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqay in sanadka cusub ay duulimaad ka bilaabi doonto dalka Soomaaliya.

Temel Kotil oo ah Agaasimaha guud ee shirkada Turkish Airlines ayaa xaqiijiyey in ay balaariyeen qorshahooda duulimaad ee Qaarada Africa sanadka 2012 iyadoo magaalada Muqdisho ay todobaadkiiba laba jeer tagu doonto diyaaradan.

Mr Kotil wuxuu tilmaamay in sanadkan dhamaadka ah ay qaaday shirkada 32 milyan oo duulimaad, balse yoolka sanadka soo aadan uu yahay 38 milyan, waxaa rakaabkaasi la rajeynayaa in ay qeyb ka noqdaan kuwa yimaada ama ka baxa dalka Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah oo qurba joog ah ayey tani u fududeyn doontaa in ay kusoo laabtaan dalka hooyo gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana sida wararku sheegayaan ay uga sahlanaan doontaa safarada ay ku yimaadaan Dubai ama Nairobi oo ay kadib uga soo talaabi jireen gobolada kale ee dalka.

Dhanka kale shirkadan ayaa ka bilowday dayac tir garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Aydin Sarsik oo hogaaminaya sagaal xubnood oo ka socda Maamulka Adeegyada Eraboorada Turkiga ayaa sheegay in hada ay Muqdisho u joogaan sidi ay u casriyeen lahaayeen qeybaha duulista iyo adeegyada kale ee garoonka Adan Cade.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.