Shirka Stanbul oo maanta soo xirmaya

Shir looga hadlaayo arimaha Soomaalida oo Stanbul ka furmay
Shir looga hadlaayo arimaha Soomaalida oo Stanbul ka furmay

Magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa waxaa maalintii labaad ka socda shir loogu magac daray madasha 6aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo hurmarka laga gaaray heshiiskii cusbaa ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo maanta soo gebagaboobi doona ayaa waxa uu daba socdaa shir dabayaaqada sannadkii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirka wax ka gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here