Shirka Saxiixayaasha Roadmap-ka oo saacadaha soo aadan ka furmaya Adis Ababa

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ka furmo magaalada Adis Ababa, Shirka hogaamiyaasha Soomaalida ee saxiixay heshiiskii Geedi socodka Nabada Soomaaliya ee Garoowe.

Shirkaan oo loogaga hadli doono qilaafaad soo kala dhex galay dhinacyada saxiixayaasha iyo muran ka taagan dastuur la sheegayo inuu qarsoodiyahay iyo ka lasoo bandhigay ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiilo ka socda beesha caalamka.

Wufuudi ka qeybgali laheyd ayaa wada gaartay kuwaasi oo intooda badan shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho, halka madaxweyne Shariif la filayo inuu gaaro saacadaha soo aadan.

Shirkaan ayaanan wali si rasmi ah loo ogaan ajandayaasha miiska saaran, marka laga reebo wararka la isla dhax marayo oo ah in lagu falan qeyn doono wixi ka qabsoomay barnaamijka Roadmap.

Si kastaba ha ahaatee, wixi kasoo baxo shirkaasi ayaan idinkugu soo sheegi doonaan waararkeena soo aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.