Shirka maamul u samaynta Jubbaland oo Kismaayo ka furmay

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu galabta halkaas ka furmay Shirka maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirka oo furmay maanta barqadii, ayaa laakin waxaa uu si rasmi ah u furmay  galabta, waxaana uu ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taalla duleedka magaalada.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya Ergooyin ka kala socda degmooyinka gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo sidaasna waxaa sheegay guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo, ahna hoggaamiyaha ururka Raaskaambooni, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo furitaanka shirka ka hadlay.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu si buuxdo u taageersan yahay dowladda federaalka, isagoo rajo ka muujiyay in dowladda ay ka mid noqon doonto wada-hadallada Kismaayo ka furmay.

Axmed Madoobe wuxuu kaloo sheegay in maanta ilaa berri la sugayo ergooyin ka kala imaanaya gobolka Gedo iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka oo shirka ka qeyb-gali doona.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo badan oo suga ammaanka.

Shirkan dhowr jeer ayuu horrey dib u dhacay, waxaana lagu doonayaa siddii maamul gobaleed loogu dhisi lahaa gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here