Shirka London oo furmay qudbadahana ay socdaan

Shir  caalami oo looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London. Iyadoo shirkana ay fadhiyaan madax badan oo caalamka ka socda.

Wakiilada dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxo kale oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalaya balse kuma jiraan kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

In ka badan konton hogaamiyayaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa ka qaybgalaya.

Waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii loo heli qaab lagula tacaalo al-Shabaab iyo sidoo kale burcad-badeeda, macluusha iyo dhibaatada ballaaran ee dhinaca qaxootiga.

Shirka ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay illaa iyo imminka waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya, R/wasaaraha Soomaaliya iyo madax kale oo faro badan.

Shirka qodobada ka soo baxa ayaad goor dhow kala socon doontaan Midnimo.com