Shirka London oo daqiiqadaha soo aadan furmaya

Waxaa lagu wadaa daqiiqadaha soo aadan inuu magaalada London ka furmo shirka loogu magac daray “Shirka London” ee loogaga hadlayo aayaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Britain ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 50 dowladood, iyadoo lagu casuumay madaxda dowlada KMG Soomaaliya, duqa magaalada Muqdisho, maamulada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xarunta uu shirka ka dhacayo ayaa waxaa haatan xaadir ku ah madaxda dowlada KMG Soomaaliya, iyo inta badan hogaamiyaasha lagu casuumay iyo wakiilada kale ee ka kala socda beesha caalamka.

Shir weynahan oo loo arko kii ugu danbeeyey uguna muhiimsanaa ee loogaga hadlayo xalka Soomaaliya, ayaa isla maanta lasoo gaba gabeyn doonaa.

Qodobada ugu mihiimsan ee loogaga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah, la dagaalanka argagixisada, burcad badeeda, xalinta qilaafka siyaasiga ah ee Soomaaliya, arimaha bani,aadannimada iyo waxa laga yeelayo dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya kadib marka uu dhamaado xilliga KMG ah.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.