Shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia oo maanta ka furmayo Jabuuti

Waxaa maanta magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ka furmaya shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, iyadoo loogaga hadli doono arimo ku saabsan Somalia.

Shirka oo uu Soomaaliya uga qeybgalayo Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa lagu falan qeyn doonaa intiisa badan arinta shirka London ee 23-ka bishan ka furmi doona dalka Ingiriiska.

Afhayeenka xukumada Eng. Yariisoow ayaa in Ra’isulwasaaraha uu shir gudoomin doono kulanka oo mudo laba maalin ah ka socon doono Jabuuti.

“Ra’isulwasaaraha wuxuu uga qeybgalayaa shirka ICG waxaa la filayaa inuu isaga shir gudoomiyo isla markaana qudbad dheer ka jeediyo, waxa la filayaa inuu ka warbixiyo safarki Talyaaniga iyo kulanki uu la qaatay Wiliam Hague iyo shirka London,” ayuu yiri.

Shirka London ayaa lagu tilmaamay shir muhiim u ah aayaha Soomaaliya, waxaa ka qeybgali doona dhamaan maamulada ka jira Soomaaliya iyadoo lagu casuumay 40 dal oo caalamka ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.