Shirka Kismaayo oo lagu ansixiyay Dastuur cusub [Faah-Faahin]

Ergada ka qaybgaleysa shirka Kismaayo oo dastuur Jubbaland meel mariyay
Ergada ka qaybgaleysa shirka Kismaayo oo dastuur Jubbaland meel mariyay

Iyadoo uu shir ka socdo magaalada Kismaayo ee xurunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa shirkaas waxaa ergooyinka ka qayb-galaaya shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ku ansaxiyeen dastuurka cusub oo la sheegay inuu yeelan doono maamul-goboleedka la dhisayo.

Sida uu ka sheegay kulanka madaxda gudiga farsamada shirka maamul u sameytna Jubooyinka dastuurka la meel mariyay ayaa qoristiisa la bilaabay bishii 8-aad ee sanadkii horre 2012, waxa uuna ka koobanyahay shan cutub iyo 50 qodob.

Ergada ka qeybqaadaneysay shirka ayaa loo qeybiyay dastuurka labo maalin ka horre, waxaana shaley loo fariistay cod u qaadidda dastuurka oo la filayo in lagu maamulo gobollada Jubooyinka marka la dhiso maamul goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka Kismaayo Macallin Maxamed Ibraahim ayaa kaga dhawaaqay shirka in dhammaan ergadii maanta ka qayb-gashay shirka oo gaaraysa 870 xubnood ay u wada codeeyeen ansaxinta dastuurka oo shalay loo qaybiyay

“870 qof ayaa fadhida, 870-kuba way codeeyeen, wax ka aamusay ma jiro wax diidayna ma jiro, sidaas daraadeed maanta oo bisha April laba tahay, waxaan cadeeynayaa anigoo ah shir gudoonkii shirka, in ay dhalatay dowladdii Jubbaland,” sidaa goobta ka sheegay Macalin Max’ed oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabada, ahaana shirgudoonkii shirka.

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa shirka ka sheegay in dastuurka la ansaxiyay uu yahay go’aanka dadka ku nool gobollada Jubbaland.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG ah Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo isna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ergadii codka kalsoonida siisay dastuurka KMG, wuxuuna sheegay in shirkan la geliyay naf iyo maal sidii uu u miro dhali lahaa, wuxuuna kula dardaarmay ergada ina y sii ambaqaadaan qeybaha ka harsan dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dastuurka cusub, ayaa waxaa ku xigga in la doorto madaxweyne uu yeesho maamulka Jubbaland, sida uu saxaafadda u sheegay Macalin Max’ed  oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka Kismaayo.

Shirkan dowladda waa ay qaadacday, waxaana ay ku tilmaamtay mid ka soo horjeedo dasrtuurka dalk u yaalla isla markaa koox gaar ah ay wadato.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here