Shirka Kismaayo oo bur-bur ku dhow Warbixin

Iyadoo maalmahaan uu jahwareer ka taagnaa shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya, ayaa waxaa maanta magaalada kismaayo kaga dhawaaqay ineey gabi ahaanba isaga baxeen shirkaas qaar kamid ah beelihii ka qeeyb galayay.

Dhawaan ayaay ahayd markii madaxweynayaasha xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ay go’aansadeen ineey wafdi xaqiiqo raadin ah u diraan halkaas, si laysugu dayo xal in loo helo muranka weyn ee ku saleysan sharci ahaanshaha shirkaan.

Axmed Maxamed Xasan, oo kamid ahaa Odoyaashii ka qayb galayay shirka Kismaayo, ayaa warbaahinta u sheegay in wafdiga ka socday IGAD iyo Kenya ay Odoyaasha u sheegeen ineey iyagu soo xulayaan Ergada soo dooraneysa madaxweynaha Jubaland, taasna ay keentay in shirka lagu kala dareero.

Cumar Buraale Axmed, oo horay u ahaa xilibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, una hadlayay beelaha sheegtay ineey shirka ka baxeen, ayaa Warbaahinta VOA-da u sheegay sida tan.

“Shirkaasi waxa uu ahaa shir mudo dheer soo socday, kaasoo maamul loogu sameeynayo gobolada Jubooyinka xaqiiqatana markii uu soo bilaawday ilaa iyo hada ma ahayn mid lagu wada qanacsanyahay sababtoo ah wuxuu u ekaa mid ay dad gaar ah wadaan dano gaar ahna ka leeyihiin…”.

Cumar Buraale, waxa uu sheegay in niman wata magaca IGAD laakiin aan ahayn ay odayaasha shirka ka qayb galayay u sheegeen ineey iyagu qeeybinayaan Ergada soo dooraneysa madaxweynaha, islamarkaasna beelaha shirka ka qeyb galayay waxaanan u qalmin oo Ergo ah loo sheegay.

Shirka Kismaayo, ayaa la sheegay in beelo gaaraya ilaa 10 ay maanta isaga baxeen, taasoo dhabar jab weyn ku noqoneysa qaban qaabiyaasha shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubooyinka.

Doowlada Soomaaliya ayaa dhowr mar ku cel celisay ineeysan raali ka ahayn waxa ka soconaya Kismaayo, natiijada kasoo baxdaana aysan marnaba aqbali doonin, halka qaban qaabiyaasha shirka Kismaayana ay ku adkeeysanayaan ineey dhisayaan maamulkaas.

Kulankii ugu danbeeyay ee ay madaxda IGAD isugu yimaadeen ADDIS-ABABA, ayaa waxaa laysku afgartay in maamul u samaynta gobolada dalka Soomaaliya looga danbeeyo doowlada Federaalka, laakiin taas wali ma muuqato oo IGAD iyo Kenya waxay wali faraha kula jiraan arimaha Jubooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here