Shirka golaha ansixinta dastuurka oo maanta dib ufurmay

Maanta ayaa waa mar kale waxaa dib u furmay shirka golaha ansixinta dastuurka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo maalintii shalay ahayd u baaqday sababo la xariira dhinaca amaanka.

Qaar ka mid ah ergada golaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta mar kale ay tagayaan xarunta Shirka uu ka socdo ee magaalada Muqdisho.

Maanta ayaa waxaa kulmaya gudiyo gaar gaar ah oo laga dhexsameeyay ergada ansixinaysa dastuurka Cusub, kuwaasi oo la sheegay in gudi kasta uu si gaar ah kaga soo doodi doono qodobo ku qoran dastuurka.

Xarunta uu ka socdo shirka Golaha ansixinta ayaa amaankeeda waxaa si aad ah u adkaynaya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM kuwaa oo baaraya dhamaanba dadka galiya xarunta shirka uu ka socdo.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dhibaatooyin xaga dhaqaalaha ah ay soo wajaheen shirka isla markaana ergada ka qaybgalaysa shirka aysan qaadan wax qaraxsha ah.

Horay ayaa wasiirka dastuurka iyo deb u heshiisiinta C/rixmaan Xoosh Jabriil wuxuu u sheegay in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo ka yimid beesha caalamka, asagoona xusay dhaqaalihii loogu talagalay in howshaan lagu fududeeyo in caalamka uusan wali bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here