Shirka Garowe oo lagu wado in saacadaha soo socda la soo gabagabeeyo

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda  lagu soo gabagabeeyo magaalada Garowe kulankii ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay oo looga arinsanayay dastuur u samaynta Soomaaliya kadib markii la xaliyey in khilaaf soo dhex galay qeybo ka mid ah dhinacyadii ka qeybgalayay shirkaas.

Shirka dastuur u sameynta Soomaaliya oo Labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay ka socday magaalada Gorowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa qabanqaabada munaasabadda lagu soo gabagabeenayo shirka dastuur u sameynta Soomaaliya waxa ay ka socotaa magaalada Garowe.

Ka qeybgalayaasha kulankan ayaa la rajaynayaa in ay warmurtiyeed ku aadan qodobada shirka ay soo saaraan dhowaan iyadoo qeybaha ka qeybgalay shirkan ay ka heshiiyeen qodobadii la isku hayay.

Xubnaha ka qeybgalay shirkan ayaa qaar kamid ah oo lagu casuumay shirka ka dhici doona toddobaadka soo socda magaalada London ay bilaabaan u diyaargarowga ka qeybgalida kulankaas.

Munaasabada lagu soo gabgabeynayo kulankan ayaa waxaa ka qeybgeli doona madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif waxana goor dhow garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho ka ambabaxay Madaxweynaha isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe.