Shirka ansixinta dastuurka oo marki sadexaad dib u dhacay

Waxaa marki sadexaad dib u dhacay shirka ansixinta dastuurka oo la filayey in maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 23-ka July uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirka ayaa horay u baaqday 12-ka bishan, 21-ki iyo maanta, waxaana arintaasi ay dowladu ku macneysay sababo la xiriira dhanka farsamada.

Wasiirka dastuurka ee dowlada KMGS, C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in sababta uu u baaqday shirka ay tahay diiwaan gelinta magacyada odayaasha iyo sixitaanka qalalaad la xiriira ka qeybgalayaasha.

“Waa in la habeeyaa ka qeybgalayaasha, waa in la siiyaa kaarar oo la diiwaan geliyaa, marka taasi waqti ayey qaadaneysaa, intaasi kaliyah ayaan waqtiga u qaadanay oo uu dib noogu dhacay shirka,”

Mr. Xoosh ayaa rajo ka muujiyey in shirka uu qabsoomi doono 15-ka bishaan oo uu ku sheegay maalinta kama danbeysta ah ee uu furmayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here