Shirka Addis Ababa oo la filayo in maanta lasoo gaba gabeeyo

Waxaa maanta lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo shirka magaalada Addis Ababa uga socdo saxiixayaasha heshiiski Roadmap ee loogaga baxaayo kumeel gaarnimada dowlada Soomaaliya.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno madasha shirka ayaa sheegaya in haatan ay isaga soo dhawaadeen ergooyinka Soomaalida qodobo shan ah oo ku saabsanaa dastuurka oo xalay lagu kala booday.

Xalay ayey ku kala tageen qodobo aanan wali la shaacin oo shan ah oo laakin ku tacaluqa dastuurka kuwaasi oo saakay hadana la isugu soo laabtay ka hadalkooda.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in haatan lagu heshiiyey qodobadi laga hadlay oo dhan, isaga oo intaasi raaciyey in la filayo in maanta uu soo baxo war murtiyeed ka hadlaya wixi kasoo baxay shirka.

Shirkaan oo asalkiisi uu ka codsaday beesha caalamka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ahmiyadiisa koowaadi tahay sidii hogaamiyaasha saxiixay barnaamijka Geedisocodka Nabada Soomaaliya ay ugu heshiin lahaayeen mugdi soo kala dhex galay dastuurka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.