Shirka Addis Ababa oo galay maalintiisii labaad

Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa maalinti labaad waxa uu shir albaabada u xiran ugaga socdaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia kaasi oo ku saabsan arimaha dastuurka.

Shirka oo shalay iyo xalay diirada lagu saaray arrimaha dastuurka iyo sidi ay hal meel isugu waafaqi lahaayeen siyaasyiinta Soomaalida ayaanan la oegyn waxa kasoo baxay.

Sida la filayo shirkan ayaa maanta lasoo gaba gabeyn doonaa waxaase hogaamiyaasha oo is gacan qaadayey isuna dhoola cadeynayey furitaanki shirka ee shalay hor yaala shaqo adag oo ah in  heshiis laga gaaro arinta dastuurka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro dastuur qarsoodi ah oo nuqulo ka mid ah haatan ay warbaahinta heshay kaasi oo ka duwan dastuurki horay loo qeybiyey ee Soomaaliya loo rabo in lagu dhaqo.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waqtigeedu ku egyahay 20-ka August, marka waxaa loo baahanyahay in hogaamiyaasha Soomaalida ay soo sameeyaan sidi loo ansixin lahaa dastuurka loona soo diyaarin lahaa 825 oday dhaqameed oo ka shira dastuurka kadibna ogolaadana kadibna soo doorta baarlamaanka.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay inuu rumeysanyahay in wax weyn la qaban karo hadii dhamaan dhinacyada siyaasada ay si qalbi furan u wada hadlaan.

Waxa kale oo uu sheegay soo xulista odayaasha dhaqanka ee 825-ka ay tahay talaabada ugu adag ee hor taala dowlada ka hor inta aanan la gaarin waqtiga ay ku egtahay kumeel gaarka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.