Shirar ka socda Kismaayo iyo maamulka KMG oo ka warbixiya

Waxaa tan iyo xaley magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ka socda shirar aan loo kala kicin, kuwaasoo u dhexeeya wafdiga ra’iisal wasaaraha ee ku sugan magaalada iyo maamulka ku-meel-gaarka.

Shirarkan si rasmi ah looma ogga wax yaabaha looga hadlaayo, waxaana laga qariyay in dhaha saxaafadda oo lama socdaan wax yaabaha looga hadlaayo.

Dhinaca kale, waxaa maanta halka uu ka socdo shirka ee Hotel Tawal shir jaraa’id ku qabtay afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo Cabdnaasir Seeraar Maax, wuxuu ka hadlay wax yaabah looga hadlaayo shirarka socda magaaalada.

Ugu horrey wuxuu sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada kismaayo ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoona beeniyay warar uu sheegay in la isla dhexmarayo oo oo ah ammaanka Kismaayo uu khal-khal ku jiro.

Afhayeenka sidoo kale sheegay in ay soconayaan shirar u dhexeeya wafdiga ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka ka jirra Kismaayo, wuxuuna intaa ku daray in la magacaabay guddiyo farsamo oo labada dhinac ah, kuwaasoo ka doodaya arimo ku saabsan ajendayaashii halkan loo yimid.

“Magaalada nabadgalyadeeda aad bay u fiicantahay, waxaan maqlayay warar sheegaya in magaalada amnigeeda uu qal-qal ku jiro, isfahan darro inay jirto waan maqlay, waxaan idiin xaqiijinayaa umadda Soomaaliyeed u sheegayaa halkan wixii loo yimid processkiisii weli wuu socdaa, waxaa la sameeyay gudiyo farsamo oo labada dhinac ka kooban,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Mar uu ka hadlaayay guddiyada la magacaabay wax yaabah ay qaban doonaan, wuxuu sheegay in au ku jiraan masuuliyiinta maamulka Kismaayo iyo gudigii farsamo ee shirka maamul u sameynta Jubooyinka oo wada jira iyo xubno ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay saxaafadda usoo bandhigi doonaan waxyaalihii kasoo baxa.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay shaley iyo maanta, waxaana magaalada ku soo qulqulaya wafuud caalami ah iyo kuwa maxali ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here