Shirar gaar gaar ah oo magaalada Jowhar ka socda

Magaalada Jowhar
Magaalada Jowhar

Sida ay sheegayaan Xubno ka tirsan maamulka gobalka Shabeelaha dhaxe magaalada jowhar waxaa shirar gaar gaar ah ka wada wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Max’ed Salaad kulamadaasi oo salka ku haya shirka fashilka ku bahsaday ee magaaladaasi uu ka furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh.

Mahad Maxamed salaad ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe si ay uga qanciyaan waxyaabo ay ka tabanayaan shirkaasi Magaalada Jowhar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in kulamadaasi weli ay ka soconayaan Magaalada islamarkaana odayaasha lagu qancinayo ka qeyb galka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xoogan ugu jirto ka mira dhalinta shirkaasi maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo 12-kii bishii January ee 2016 Madaxweynaha Soomaaliya uu ka furay Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here