Shir Nairobi maanta uga furmayo saxiixayaasha Tubta Nabada Somalia

Shir gaar ah oo ay leeyihiin kooxda saxiixayaasha barnaamijka roadmap-ka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulanka oo noqon doona mid ay albaabada u laabanyihiin ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa hadii lagu dhameystiri karo waqtigi lagu balamay in lagu dhameeyo heshiisyadi hore ee ahaa in bisha August lasoo dhiso dowlad cusub iyo in kale.

Iyadoo la tixraacayo warmurtiyeedki kasoo baxay Kulanki Addis Ababa, saxiixayaasha waxay isla ogolaadeen in la sameeyo Gole Ansixiya Dastuurka kaasi oo ka imaanaya beelaha Soomaalida.

Intaasi kadibna waxa ay soo magacaabayaan baarlamaanka, ilaa laga dooranayo madaxweynaha cusub 20th August.

Waqtiga odayaasha in ay ku ansixiyaan dastuurka loo qabtay ayaa ku beegan maanta oo ah 20-ka June, walina waxba kama naasa cada arintaasi, sidaasi daraadeedna arinta ugu weyn ee loo qabtay shirka maanta Nairobi ayaa ah sababtaasi.