Shir madaxeedki Midowga Africa oo goor dhaweyd ka furmay Addis Ababa

Waxaa goor dhaweyd ka furmay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shir madaxeedki 18-aad ee urur Midowga Africa.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan madaxdi ugu badneynd ee Qaarada Africa isla markaana socon doono mudo laba maalin ah ayaa waxaa xooga lagu saarayaa doorashada gudoomiyaha cusub iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee qaarada.

Sida uu warbaahinta u sheegay Keizire Boaz oo ah lataliye sare oo ka tirsan Midowga Africa, waxaa ajndayaasha ugu weyni yihiin sidii loo dooran lahaa gudoonka sare maamulka, xubnaha gudiga amaanka iyo nabadgalyada Africa, hal xeer ilaaliye iyo ku xigeenadooda.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saarayaa xoojinta iyo kor u qaadida xiriirka ganacsi ee dalalka Qaarada Africa.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qeybgalayo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana la filayaa inuu ka jeediyo kulanka qudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha amaanka iyo siyaasada.

Midowga Africa waxaa ka jooga Soomaaliya ilaa iyo 10,000 oo askari kuwaasi oo ka wado Muqdisho howlgal nabad ilaalin ah, ciidamdaasi waxay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.