Shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo galabta ka furmaya Baghdad

Waxaa galinka danbe ee maanta lagu wadaa in magaalada Baghdad ee caasimada dalka Iraq uu ka furmo shir madaxeedka Jaamacada Carabta, iyada uu xaadir halkaasi ku yahay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shirka oo xoogiisa noqon doono qalalaasaha ka taagan Syria, ayaa sidoo kale loogaga hadli doonaa xaaladaha Soomaaliya, Falastiin iyo Sudan, waxa kale oo ajandayaasha ku jira arimaha dhaqaalaha.

Hogaamiyaasha dalka Iraqi ayaa sheegay in shirka lagu casuumay 10 hogaamiye oo ka kala socda dalalka caalamka, iyo 22-ka hogaamiye ee dalalka ku mideysan jaamacada carabta.

Waxaa xalay iyo saakay gaaray caasimada Iraq lix hogaamiye oo kala ah  madaxweynaha Sudan Omar Bashir, hogaamiyaha Tunisia Moncef Marouki, Madaxweynaha KMG ah ee Libya Mustafa Abdul Jali, madaxweynaha Somalia Shiekh Sharif Sheikh Ahmed, madaxweynaha dalka Comoros Ikililou Dhoinine iyo madaxweynaha dalla Palestinian Mahmoud Abbas.

Waxaa sidoo kale saakay gaaray magaalada Baghdad Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooaby Ban Ki-moon.

Dhanka kalana madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay dhigiisa dalka Iraq  Jalaal Taalabani ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo sidi ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen labada dhinac.

Madaxweynaha Iraq ayaa u balan qaaday madaxweyne Sharif inuu ka caawin doono dowladiisa sidi ay uga bixi laheyd dhibaatada kataagan Soomaaliya.

Amaanka ayaa waxaa sugaya in ka badan 100,000 oo ciiidamada dalka Iraq magaalada caasimada ah ee Baghdada oo uu shirka ka dhici doono, waxaana dowlada ay ku buxineysaa dhinacyada amaanka, hotelada caasimada ku yaala iyo xarumaha shirka lagu qaban doono lacag dhan $500 million.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.