Shir maamul loogu sameeynayo Shabeelooyinka oo saakay Afgoye ka furmaya

Ammaanka Afgooye oo soo hagaagaya
Ammaanka Afgooye oo soo hagaagaya

Shir maamul loogu sameeynayo Shabeelooyinka, ayaa saakay lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Muxyadiin Xasan Afrax, oo ah qaban qaabiyaha shirkaan, ayaa warbaahinta u sheegay, in shirkaan maanta ka furmaya Afgooye uu yahay shir maamul loogu sameeynayo 2da Shabele, islamarkaasna uu soo socday in mudo ah.

Afrax, ayaa sheegay in shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan ilaa 800 oo ergo, kuwaasoo isugu jira waxgaradka labada Gobol,siyaasiyiin, QM iyo DFS.

Muxudiin Xasan Afrax, ayaa shanka kale qaadacay shirarka ka socda magaalada Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here