Shir loogaga hadlay Roadmapka oo lagu soo gabgabeeyey Gaalkacyo iyo in wax laga bedelo qoddobada Garowe 2 oo la isku raacay

Kulan maanta ka socday magaalada Gaalkacyo loogagana hadlayay dhameystirka Road-Mapka iyo hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe 2 ayaa goordhow la soo gabagabeeyey.

Shirkan oo ka dhacay  bartamaha magaalada Gaalkacyo islamarkaana socday mudo saacado ah ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Dkgaarka, maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.

Iyadoo la helayo warar hordhac ah oo ku saabsan shirkan qoddobadii la isku raacay ayaa waxaa ka qeybgalayaasha shirka ay isku raaceen 11qodob oo loogu magac Gaalkacyo Principle waxaana qodobada heshiiskaan ay qaarkood wax ka bedelayaan heshiisyadii Garoowe.

Qodobada sida hordhaca ah loo helayo ayaa waxaa kamid ah :-

1-In la dhimo tirada dadkii ka qeybgali lahaa ansixinta dastuurka taasi oo heshiiskii Garoowe uu dhigayey in tiradu noqoto 1,000qofood waxaana hada la isku raacay in laga dhigo 825 xubnood dadka ansixinaya dastuurka uu dalku yeelanayo ayadoo arintaasina ay ku timid qaabka lagusoo xulayo oo ah qaabka 4.5.

2- In 135 oday dhaqameed ay soo xulaan ergada ansixinta iyo xildhibaannada cusub wuxuuna qodobkaasi bedelayaa qodob ka mid ah qodobada heshiisyadii Garoowe oo ahaa in ergadu ay soo xuli doonaan oo qura saxiixayaasha heshiisyadii Garoowe iyo Road-Mapka.

3-In 25April lagu qabto Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliiska oo ah madasha loo asteeyey in dastuurka loogu qabto shir odayaasha dhaqanka kaasi oo saxiixayaasha heshiisyada garoowe iyo gaalkacyo ay kala tashan doonaan qaabka looso xulayo ergada dastuurka ansixin doonta.

4-In 15-May in la qabto shirkii ugu horeeyey ee ansixinta dastuurka kaasi oo isna lagu qabanayo isla xarunta Gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho.

5-Qodobada kale ee heshiiska ku jira ayaa waxaa kamid ah in beel walba ay soo xulato laba qofood oo u metesha xildhibaannimada iyadoo labadaasi qofoodna midkood la qaadanayo amaba uu xildhibaan noqonayo hadii uu sharuudaha buuxiyo ayadoo sharuudahana ay ku xusanyihiin heshiisyadii Garoowe.

Faahfaahin ku saabsan qoddobadan inta ka dhiman ayaa lagu wada in mar dhow saxaafada si rasmi ah loogu soo bandhigo iyadoo dhamaystiran.