Shir looga Hadlayo sidi Afrika Argagixisada Looga Ciribtiri lahaay oo Ka Dhacay Magaalada Bajan buura Ee Dalka Burundi

Wararka naga soo gaaraya magalada Bajan Buura ee dalka Burundi ayaa sheegaya in uu halkaasi ka furmay Shir looga hadlayo sidii looga hortagilahaa waxa loogu yeero Argagaxisada Afrika.

Shirkaani oo u furmay Saraakiisha Booliska ee Dalalka Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb Galay C/laahi Xasan Bariise, iyadoo Shirkaasi la sheegay in looga hadlayo Falalka Argagaxiso ee ka dhaca Dalka Soomaaliya.

Shirkaani oo Shalay furmaya ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo xermo Maanta, iyadoo la sheegay in qodabka ugu Muhiimsan uu yahay in laga soo saaro Ajande looga hortagi lahaa Falalka Argagax ee ka dhaca Dalalka Afrika.

Kulankaani ay yeelanayaan Saraakiisha Booliska ee Dalalka Afrika ayaa waxaa uu u Muuqdaa mid lagu doonayo in lagu soo Biiriyo Ciidamada AMISOM ee Booliska ah in lagu soo Biiriyo Ciidamo kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here