Daawo Shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya oo maanta Nairobi ka furmay

Shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xaruunta dalka Kenya ee Nairobi, waxaana shirkaan ka qayb galaya, madax ka kala socota doowlada, Kenya, Uganda, masuuliyiin kasocota doowlada Federaalka Soomaaliya, iyo walibo xubno kasocda maalgashadayaasha Caalamka oo xiligaan soonaya ineey Soomaaliya Maalgashi ku sameeyaan.

Wasiirka Maaliyada ee doowlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleeymaan, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay, in doowlada Soomaaliya ay madaxda shirkaas ka qayb gashay ku dhiiri galineyso, sidii ay maalgashashi ugu samayn lahaayeen Soomaaliya, si dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee ay dagaalada ragaadiyeen uga faa’iideystaan.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in doowlada Soomaaliya ay balaarineyso qorshaheeda ku aadan soo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo maalgashiga xiligaan Caalamku uu ku sameynaayo wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale shirkaan waxaa looga hadli doonaa, sida ugu haboon ee ganacsatada Caalamka iyo kuwa gobolka ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen, si doowlada Soomaaliyeed iyo dadkeeda uga faa’iideystaan.

Shirkaan gaba gabadiisa ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aano ku aadan maalgashiga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here