Shir looga hadlayo horumarinta ganacsiga Soomaaliya oo maanta London ka furmay Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo shir la xiriira horumarinta Ganacsiga Soomaaliya kaasi oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku yeelan doonaan magaalada London, ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynaha gelinka dambe ee maanta halkaasi kula kulmidoono Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.

Afhayeenka madaxweynaha J.F.Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeybgalayo kulan looga hadlayo horumarinta ganacsiga Soomaaliya iyo maalgashi lagu sameeyo dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala timid gudaha dalka iyo dibada wuxuuna shirkani daba socdaa shirkii shalay ee London, waxaana shirka furidoona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Nabadda dalka Soomaaliya oo ka soo rayneysa iyo siyaasadda dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay abuureysaa fursado cusub oo lagu maal-gashto dalka Soomaaliya.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadashay wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya marwa Fowzia Adan oo sheegtay in Soomaaliya uu yahay waddan ay ka buuxaan macaadiin kala duwan, shidaal oo waliba intaa u sii dheertahay beero. Waxay marwo Fowziya ay sheegtay in Soomaaliya ay haysto xeebta ugu dheer qaaradda Africa oo aadna ugu wanaagsan dalxiiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankaan ku wehliyey Safiirka Cusub ee loo soo magacaabay dalkan Britain Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe

Shirka qaybtiisii dambe ayaa waxaa filayaa in ay ka hadlaan dad ay ka mid yihiin Duqa magaalada Moqdisho Maxamuud Axmed Nuur, agaasimaha sharikadda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale, Agaasimaha sharikadda Nation Link Eng. Abdi Mohamed Sabriye, Farah Abdulsamed, Hay’adda Adam Smith International, Ibraahim Yuusuf, madaxa qaybta isgaarsiinta ee Africa Business Association, Mohamud Cabdi Gabeyre, madaxa rugta ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatayaal kale.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gelinka dambe ee maanta isla magaalada London kula kulmi doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, waxana hada socda qabanqaabada kulankaasi galabka ka dhicidoona London.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here